Horjooge Al-Shabab ah oo ka hadlay sirta ka dambeysay weerarkii Jaamacadda Gaarisa

0
364

Muqdisho(INO)-Sheekh Cabdulqaadir Muumin Yuusuf oo kamid ah Horjoogayaasha sare ee Maleeshiyada Alshabaab, ayaa ka hadlay Sirta ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Jaamacada Gaarisa.

Waxa uu sheegay in Jaamacada Gaarisa ay kaalinta koowaad uga jirto goobaha laga taakuleeyo Ciidamada Dowlada Kenya, waxa uuna tilmaamay inay tahay Jaamacada labaad ee ugu ardayda badan.

Waxa uu yiri in inta badan dhalinyarada dhigta Jaamacadaasi ay ahaayen kuwa ka kala tirsanaa Militeriga, Booliska iyo Sirdoonka dharcadka ah, halka inta kalane ay ahaayen kuwo loo diyaarinaayay tababarada difaaca.

Isaga oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “’Wan la socnaa in Jaamacadu ay aheyd mid inta badan ay dhigtaan Ardayda Iskuulada kasoo qalin jabiyay ee soo maray tababarada ciidan, waxaa inta badan dhigta Arday ciidan ah oo u badnaa dharcad”.

Wuxuu ku adkeystay in dhamaan dadkii ay dileen ay ahaayen kuwo loo soo carbiyay inay gumeystaan Shacabka Soomaaliyeed, balse inta ay u bareerin ay ka hortageen.

Ugu dambeyntii, waxa uu carabka ku dhuftay inay bixinayeen dhaqaalaha inta badan lagu weeraro Kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

Ma jiraan wax xaqiijinaya dhammaan sheegashooyinkiisa.

Idale News Online,Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here