Hooyo Ka Soo Barakacdey Abaarta Oo Dhexda Ku Umushey, Hadana Caruurteeda U Shaqeysta

0
227

Baydhabo(INO)-Maymuun Sheekh Xasan oo ah 30 jir ka soo barakacday abaarta gobolka Bay oo ay ku ceyrtowday ayaa ku umushay meel dhexe intii aysan soo gaarin magaalada Muqdisho.

Ma helin daryeel caafimaad, balse waxaa intii ay foolaneysay caawiyay haween ay wada saarnaayeen gaari xamuul ah oo ay ka soo raacday degmada Buurhakaba ee gobolka Bay. Hadda oo ay ku nooshahay xero lagu barakacay oo ku taalla agagaarka koontaroolkii Afgooye ee Muqdisho oo ay soo degeen horraantii bishii hore ee Diseembar iyada oo umul ah ayaa u shaqeysa carruurteeda oo saddex ah oo aabbahood ay kala tageen.

“Markii aan fooshay [29-kii Nofeembar] waxaan gaariga uga haray degmada Afgooye, waxaa la i geeyay xero lagu barakacay, halkaas oo shan maalin ay dadka deegaanka igu baxnaaniyeen, carruurtana ay iigu siiyeen cunto,” ayay tiri. Kaddib waxay ku biireen xerada ay hadda deggan yihiin.

Maymuun oo xoolo-dhaqato ahayd intii aysan abaartu dhicin hadda waxay ku shaqeysataa gaari-dhaqista oo ah shaqo ku cusub, iyada oo hubta haddii aysan shaqo-tegin inay carruurteeda qadayaan.

Aroor kasta iyadoo wadata maryo googo’an, sakeel yar iyo oomo ay ugu talagashay inay ku nadiifiso gawaarida, waxay ka kallahdaa xerada. Maalinta ay ugu shaqo fiican tahay oo ay dhaqdo ilaa afar gaari waxay heshaa lacag gaaraysa 65,000 oo shilin oo u dhiganta $3, taas oo ay sheegtay inay ugu filan tahay cuntada saddexda xilli iyo caanaha carruurteeda. “Aniga oo og in wiilkeyga uusan ka maarmin daryeelkeyga ayaan go’aansaday shaqadan, sababtoo ah carruurtu cunto iyo caano ayay u baahan yihiin, anigana waxaan ahay qof nuujineysa oo nafaqo u baahan,” ayay tiri.

Carruurta waxay uga tagtaa wiilka ugu weyn oo lix sano jira, iyadoo dadka deriska kula ah xerada ka codsata inay dusha kala socdaan. “Inta aan magaalada jiro waxaan aad uga walwalaa cunugga ugu yar, marmar inta aan shaqada sii wadi waayo baan anigoo ka cabsanaya inay gaajo disho soo baxaa si aan u nuujiyo.”

Labo boqol oo qoys oo ka soo barakacay abaarta Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa labadii bil ee u dambeeyay ku biiray shan xero oo ku yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda sida ay IdaleNews.com u sheegtay Ifraax Macallin Nuur oo madax u ah dallad ay ku mideysan yihiin guddiyada xeryahaas. “Keliya waxaan annaga ku caawinnay inay nala degaan oo waxaan xeryaha ka siinnay meelo bannaan oo ay aqallo ka dhistaan,” ayay IdaleNews.com u sheegtay Ifraax.

Maymuun waxaa intii u dhaxeysay bilihii Juun ilaa Oktoobar ee sanadkii hore abaarta uga dhintay 30 neef oo lo’ ahaa iyo 20 ari ahaa oo ay noloshooda ku tiirsaneyd.

Waxay bishii Nofeembar ka soo lugeysay miyiga deegaanka Moode-Moode iyadoo maalin iyo habeen u soo socotay degmada Buurhakaba. “Harraad iyo gaajo ayaan u dhiman gaarnay intii aan waddada ku soo jirnay, waxaan soo aragnay dhul bannaan oo dadkii deggenaa ay ka barakaceen iyo baqtiga xoolaha oo meelaha daadsan.”

Ugu dambeyntii, Waxay sheegtay inay magaalada Muqdisho u timid si ay ama nolol u sameysato ama ay hay’adaha gargaarka kaalmo uga hesho, hase yeeshee xeryaha ku yaalla Muqdisho iyo duleedkeeda gargaar lagama bixin muddo sanad ah sida ay sheegtay Ifraax.