Hadal heeynta ugu badan Talefishinada Caalamka ayaa noqotay Shir jaraaid oo ay qabatay Subeidat Tsarnaeva oo ah Hooyadii dhashay wiilashii lagu eedeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston ee cariga Mareeykanka.
Hooyadaan oo Saxaafada horteeda ooysay ama ilmeeysay waxa ay dilka Wiilasheeda dusha ka saartay ciidamada booliiska dalka Mareeykanka taas oo ku eedeeysay inay si qorsheeysan u dileen labadeeda Wiil.
” Wiilasheeyda oo dambi leheen waxaa qaarajiyay oo si aan geed loogu soo gamban u toogtay booliiska Mareeykanka, xitaa waxeey noo diideen kan dhaawaca ah inaanu Isbitaalka ku booqano ayay tiri Subeidat Tsarnaeva oo dalka Ruushka ku sugan gaar ahaan Jamuuriyada Dagestan ”
Hooyadaan oo 45 jir ah waxa ay Caalamka oo idil kaga yaabsatay mar ay tiri sidatan ” Markaan la xiriirnay Mareeykanka aniga iyo Wiilasha aabahood Ansor waxeey nagu yiraahdeen dhamaantiin Argagixiso ayaa tihiin waxaana ii cadaatay hadiiba ay anaga sidaas na leeyihiin yaa u maqan wiilasheeyda oo midna la dilay kii kalena gacantooda ku jira ? (Intaas ka dib weey ooysay Haweeneeydaan) ”
Aabaha dhalay Wiilashaan Mr.Ansor Tsarnaeva ayaa dhanka kale waxa uu diiday in Meeydka WiilkiisaTamerlan Tsarnaev lagu duugo gudaha dalka Mareeykanka wuxuuna sheegay inuu u soo duulin doono gudaha dalka Ruushka gaar ahaan Jeejniya.
Dzhokhar Tsarnaev oo dhaawac ah waliba jira 19 sano iyo Walaakiis Tamerlan Tsarnaev oo dhintay ayaa labadoodaba waxaa loo heestay qaraxyadii lagu qaaday tartankii Oradada ee ka dhacay magaalada Boston ee dalka Mareeykanka Taariikhdu markii ay eheed 15-kii bishii Apriil 2013-ka.
Daawo Muqaalka
[vsw id=”C9UybzS5H1g” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]
Idale News Muqdisho