Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo berri shir uga furmaya Muqdisho

0
350

Muqdisho(INO)— Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa maalinta berri oo Axad ah shir uga furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadli doono qaabka loo marayo hanaanka doorashada 2016, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu todobaadkii la soo dhaafay ku meel mariyay xeer Madaxweyne.

Sida ay sheegayaan wararka Hoggaamiyeyaasha Madasha ayaa ka wada hadli doona qodobada qaar ee muranka dhaliyay ee ahaa go’aamadii 12-kii April ee horay u gaareen Madaxda, waxaana rajo laga qabaa in wada tashiyada u bilaaban doona in la isla meel dhigo arrinta maqaamka Muqdisho iyo inay matalaad ku yeelato Aqalka sare.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa maanta si kala gaar gaar ah u soo gaaray magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta duhurkii soo gaaray Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa isna goor dhow soo gaalay magaalada Muqdisho, si uu maalinta berry uga qeyb galo shirka Madasha.

Axmed Madoobe oo Wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya uu maalinta berry u furmi doono shirka looga hadlayo hanaanka doorashada 2016.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay ka qeyb qaadanayay barnaamijka kulanka jimcaha ee ka baxa Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda ayaa sheegay shirka Madasha looga hadli doono arrinta Gobolka Banaadir ee saabsan aqalka sare, waxaana uu rajo ka muujinayay in xal laga gaaro arrintaas.

Si kastaba ha ahaatee Hoggaamiyeyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo la wareegay awooddii Baarlamaanka ayaa la filayaa in shirkooda berry u furmaya inay ka soo saaraan jadwalka doorashada dalka ka dhici doonta Agosto.

Idale News Online, Muqdisho