Hoggaamiye sarre oo ka tirsan ISIS oo Geeryooday

0
296

London (INO) Ururka ISIS ee isku magacaaba dowladda islaam ayaa markii ugu horreeyay xaqiijiyay geeridda mid ka mid ah taliyayaashooda ugu sareeya oo la yiraahdo, Cumar Shishani.

Hoggaamiyaha geeryoodey Marekanka,waxuu horay ugu tilmaamay wasiirka “dagaalka” ee kooxda Daacish oo ku xooggan dalalka bariga dhexe,Waxaana wakaalad wararka ka shaqeysa oo xiriir la leh kooxda oo lugu magacaabo Amaq ay baahisay Cumar Shishani in lagu dilay dagaal ka dhacay dalka Ciraaq, magaalada Shirqat oo dhinaca koonfureed ka xigta Mosul.

Ninkan ayaa loo yaqaanay Cumar Chechen (Shishani) waxa uu ahaa qaqable dagaal oo dagaallo adag la galay Ruushka,Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in uu dhintay.

Bishii Maarso saraakiil milateri oo Maraykan ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha dalkaasi ka geysteen dalka Suuriya.

Sarkaalkan sare ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaasha kooxda dowladda Islaamka oo si aad ah uu u doondoonayay Maraykanka, iyaga oo madaxiisa horay u dul dhigay shan million oo doolar.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay