Hogaanka Alshabaab oo ku kala qeybsan ku biirista Daacish

0
227

Muqdisho(INO)-Madaxda sare ee ururka Alshabaab, ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan oo salka ku haya, ku biirista doowlada Islaamiga ee Daacish.

Axmed Diiriye oo ku magacaaban hogaanka Al-shabaab ayaa kabiyo diidan in Daacish lagu biiro halka saraakiil uu kamid yahay Karatey ay cadaadis ku saarayaan in uu ku qanco fikirkooda, taa oo ugu dambeyntii keentay in hanjabaad lagu kala tago.

Qeyba kamid ah Saraakiisha Amniyaadka Al-shabaab oo ka duulaya arimahan ayaa bilaabay in ay fariimaha hanjabaadaha ah mobile-yada ugu diraan ragga sida weyn ula dhacsan in lagu biiro Daacish, ayadoo hogaanka sare ee kooxdu ay kadhex bilaabatay ciyaar siyaasadeed oo la filayo in Mustaqbalka dhaw ay dhinac u dhacdo.

Dhanka kale saraakiil uu kamid yahay Karatey ayaa ku doodaya in Al-Qacidda aanay kooxdu ka aqbalin baycadii ay horay ugu direen bilawgii 2012-kii sidaa awgeedna ay lama huraan tahay in tareenka Jihaadiga ee Daacish dhinac laga raaco kaa oo ay ka digeen culima badan, halka qeyba kamid ahna ay ku xukumeen Khawaarijta Casriga ah.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here