Shirkii 3aad ee wadamada Africa iyo South America ee 22kii February 2013 lagu qabtay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa si aad u weyn loogu taageeray musharaxnimada Agaasimaha Guud ee UNESCO oo iminka ah safiirka Djibouti u fadhiya dalka France.
Mooshinkan ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray hogaamiyeyaasha labada qaaradood iyagoo isku af gartay in ay si wada jir ah ula wada shaqeeyaan musharaxa Ambassador Farah.
Shirkan saddexaad ee Africa iyo South American ayaa waxaa soo qaban qaabiyay African Union (AU) iyadoo dirada lagu saaray “hab istiraatijiyadeedka loo xoojin karo wada shaqeynta labada dhinac” ujeedada ugu weyn ee isu imaatinka hogaamiyeyaasha dowladahan ayaa ah in la horumariyo wada shaqeynta labadan qaaradood gaar ahaan arimaha dhaqaalaha bulshada Africa iyo South America.
Taageerada wadamada ASA ayaa imaaneysa kadib markii ay wadamada AU ee dhawaan ku shiray magaalada Addis Ababa ay si buuxda u tageereen musharaxa, iyagoo ugu baaqay dhamaan wadamada qaarada Africa abaabul xoogan iyo in ay la garab istaagaan taagero buuxda.
Waxaa kal hore iyana si buuxda u taageeray Ururka wadamada Islaamka- Organisation of Islamic Cooperation (OIC). Taageerada musharaxa ee caalamka ayaa si xowli ah u socota iyadoo todobaadkii horena si weyn looga soo dhaweeyay musharaxnimada Farah wadamada Sahel States.
Idale News Muqdisho