Muqdisho(INO)- Sida ay horay u sheegeen Wakiilada Qaramada Midoobey iyo sidoo kale IGAD waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Shirka ayaa intabadan diirada lagu saaraya arimaha doorashooyinka .
Waxaa ka mid ah qodobada sida aadka ah looga hadli doono tabashada ay qabaan maamulka Puntland ee ku aadan doorashada xildhibaanada ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.
Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa hadda lagu soo afjaray Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.
Idale News Online, Baydhabo