Hogaamiye ka tirsan Al-Qaacida oo lagu dilay Suuriya

0
205

Riq(INO)— Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn horaantii bishan uu ka fuliyay gudaha dalka Suuriya uu ku dilay Hogaamiye ka tirsan Al-Qaacida.

Hogaamiyahan oo lagu magacaabo Muxsin Al-Fadli ayaa ahaa Hogaamiyaha kooxda Khorasan oo ah farac ka tirsan Al-Qaacida oo ka howl gasha Suuriya.

Muxsin ayaa la rumeysan yahay inuu ka yimid dalka Afghanistan, waxaana uu ka mid ahaa ragga sida aadka ah uu Mareykanka u doonayay, waxaana madaxiisa dul saarnaa 7-milyan oo doollar cidii keenta warbixin suura gelin karta in la qabto ama la dilo ama la qabtoa abaal marin lacageed uu madaxooda dul dhigay.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in Al-Fadli lagu dilay duqeyn 8-dii bishan July ka dhacday deegaanka Sarmada ee galbeedka magaalada Aleppo.

Sidoo kale Hogaamiyahan ayaa waxaa uu ka mid ahaa raggii wax ka abaabulay, isla markaana wax ka ogaa weerarkii 9/11 ee lagu qaaday daaraha mataamaha Mareykanka.

Muxsin Al-Fadli oo ka soo jeeda dalka Kuwait ayaa waxaa la sheegay in Hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawaahiri uu u soo diray Suuriya, si uu u tababaro jihaadiyiinta ka imaanaya dalalka reer galbeedka.

Idale News Online, Riqqa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here