Muqdisho(INO)— Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee saameynta weyn ku leh dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Dabagalka Wararka ee ka baxa Telefishinka Universal ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka.
Faarax C/qaadir oo lagu tilmaamo dadka ay talada ka go’do ee dowladda Federaalka, maadaama uu saaxib dhow la yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa meesha ka saaray arrimo badan oo dadka hadal hayaan oo ku saabsan shaqsiyadiisa iyo awoodiisa siyaasadeed.
Ugu horeyn waxaa uu ka hadlay is bedelkii dhacay sanadkii 2012, xilligaasoo dowlad cusub oo Soomaaliyeed aan KMG aheyn ay dhalatay, isagoo meesha ka saaray in aanay xukunka la wareegin qof ama koox.
“Wixii dhacay September 2012 waxay aheyd, is bedel ayaa dalka ka dhacay dowlad cusub oo aan KMG aheyn ayaa dalka u dhalatay oo uu Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, dowladda koox ay leedahay ama dowlad qof uu leeyahay ma aheyn, waa dowlad Soomaaliyeed”ayuu yiri Faarax C/qaadir.
Faarax C/qaadir ayaa sheegay in dowladda ay horumaro aad u ballaaran sameysay mudadii ay xukunka la wareegtay, isagoo xusay in dhinacyo badan ay wax iska bedeleen oo aan aheyn sidii xaalada dalka uu ahaa.
“Waxaa aaminsanahay horumaro aad u ballaaran in la gaaray, inta badan gobolada dalka maamul iyo nidaam ka taliya ma jirin, waxaa jiray maamulo dadka ay samesyteen, shirar dib u heshiisiin oo la qabtay, doorasho iyo tartan inuu dhacay, horumar aad u weyn ayaa la gaaray, dhinaca nabadgelyada oo kale deegaano aad u baaxad weyn oo Al-Shabaab maamulayeen baa badankood gacanta dowladda Soomaaliya soo galay, dhismaha maamulka dowladeed ayaa baahay”ayuu yiri Faarax C/qaadir.
Waxaa uu sheegay in tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh xukunka qabtay sanadkii 2012 shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay saddex jibaarmeen, isagoo tusaale u soo qaatay in sanadkii 2012 ay shaqaalaha rayidka ee dowladda ay ahaayeen 1,200, halka maantana ay gaarayaan 4,800 shaqaale sida uu yiri.
Faarax C/qaadir ayaa sheegay inuu saaxib dhow la yahay Madaxweynaha oo aanay qarsooneyn, balse waxaa uu beeniyay wararka sheegaya inuu yahay ninka gaaro go’aanada waa weyn ee dowladda, ama daaha gadaashiis wax ka maamulo, waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka weyn tahay in qof ama labo qof lagu tiriyo inay go’aano gaaraan.
“Dadka qaar waxay u maleynayaan dowladnimada inay tahay dukaan yar oo qof leeyahay, Qaran intaan la eg in loo tiro qof iyo ama koox inay maamuli karaan, aniga ilama ahan, dowladdu golayaal bey leedahay, madax la garanayo ayay leedahay, aniga Madaxweynaha saaxib ayaa la’ahay oo aan arrin qarsooneyn aheyn, waxaa saaxib la ahay, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed”ayuu yiri Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka jawaabayay su’aal aheyd inuu yahay dadka gaara go’aamada waa weyn ee dowladda.
Mar la weydiiyay inuu musharax yahay sanadkan 2016 iyo in kale ayuu ku jawaabay in aanu musharax aheyn, balse waxaa uu si dadban u tilmaamay inuu taageerayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Aniga musharax ma ihi, miro guntaada ku jiro, miro geed saaran looma daadiyo, laakiin waxaa ku faraxsanahay in Madaxweynaha iyo dowladda aanay mudada kororsan, maalinta mudada ka dhamaaneyso ay dhacdo doorasho kale, in maanta ay Baarlamaanka soo xulayaan dhowr iyo toban kun, Muqdisho kaliya aan la isugu imaaneyn oo magaalooyinka kale la isugu imaanayo”ayuu yiri Mr Faarax C/qaadir.
Sidoo kale mar la weydiiyay inuu yahay musharaxa Madaxweynaha Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayuu mar kale sheegay in aanu musharax aheyn, balse uu ka shaqeynayo sidii dadka labada gobol degan ay maamul ay leeyihiin u sameysan lahaayeen, waxaana uu xusay in laga gaabiyay, lagana soo daahay, isla markaana haatan ay sii cakirnaato aanay sax aheyn.
Ugu dambeyn Faarax C/qaadir ayay dadban rumeysan yihiin inuu yahay nin ka tilmaaman siyaasiyiinta kale ee Soomaalida, waa nin af gaaban, oo aan inta badan warbaahinta ka soo muuqan, ka hor inta aanu siyaasada ku soo biirin, bur burkii dowladdii dhexe kadib waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka shaqeynayay waxbarashada, waxaa uu ahaa Madaxii Hey’adda Muslim Afrique oo ka qeyb qaadata kaalmooyinka bani’aadanimada, waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaasha Jaamacadda SIMAD.
Idale News Online, Muqdisho