NY(INO)- Haweeneydii jagada madaxweyne kula tartantay madaxweynaha cusub ee Mareyknaka Hillary Clinton ayaa shaaca ka qaaday in ay garab taagan tahay ayna taageersan tahay dibadbaxayaasha ku sugan garoomada diyaaradeed ee Mareykanka.
Dibadbaxayaasha ayaa ka mudaaharaadaya sharci cusub oo uu shalay saxiixay madaxwene Donald Trump kaas oo hor istaagaya dadka muslimiinta soo-galootiga ah iyo qoxootiga.
Farriin ay soo dhigtay Hillary barteeda twitter-ka ayay ku taageertay dibadbaxayaasha, waxaana ay u sheegtay in ay garab taagan tahay.
” – Waxaan taageersanahay, oo aan garab taaganahay dadka dibadbaxaya ee Mareykanka oo dhan ku sugan kuwaas oo difaacaya mansabkeena. Waxaan ma ahan wax aan u taaganahay”, ayay qoraalka ku tiri ms. Hillary.
Idale News Online, New York