Dhageyso: Heshiiskii xabad joojinta dagaalka Suuriya oo xalay si rasmi u dhaqan galay

0
193

Syria(INO)— Heshiiskii xabad joojinta dagaalada Suuriya ayaa xalay si rasmi ah u dhaqan galay, kadib markii todobaad ka hor ay wada gaareen dowladaha quwadaha leh ee ku lugta leh colaada Suuriya.

Dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ayaa horay ugu heshiiyay xabad joojin laga gaaro dagaalka Suuriya, si loo suura geliyay in magaalooyinka go’doonsan loo gaarsiiyo gar gaar bani’aadanimo.

Magaalada Dimishiq iyo Darca ayaa la sheegay in xabad joojinta ka dhaqan gashay, waxaana Qaramada Midoobey ay si gaar ah isha ugu heysaa xaalada xabad joojinta Suuriya.

Wararka ayaa sheegaya in heshiiskan xabad joojinta aanay saameyneyn dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada sida Daacish iyo Al-Nusra, iyadoo duqeymaha lagula jiro kooxahaas la sii wadayo.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo ka hadlayay xabad joojinta ayaa sheegay in Caalamka uu daawanayo Suuriya iyo Ruushka, hadii ku xadgudbaan xabad joojinta.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Suuriya Stefan de Mistura ayaa sheegay in 7-da bisha March ay bilaaban doonaan wada hadalada nabada Suuriya, marka ay si guud ah uga dhaqan gasho xabad joojinta magaalooyinka dalka.

Waxaa uu qorshuhu yahay in waqooyiga iyo bariga magaalada Aleppo la gaarsiiyo sahay gar gaar ah, sidoo kale magaalada Deir Al-zour oo go’doon ku jirta ayaa iyana lagu wadaa in gar gaar bani’aadanimo la gaarsiiyo, dadkan cunto looga soo daadiyo hawada.

Waa markii u horeysay ee ay dhaqan gasho heshiis xabad joojin oo rasmi ah, muddo shan sano ah oo dagaalo sokeeye ay ka socdaan dalka Suuriya.

Idale News Onlin, Syria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here