Baydhabo(INO)- Tiradii ugu badneyd ee Arday isagu jira Wiilal iyo Gabdho, ayaa iska diiwaan geliyay Sanadkan Iskuuladda gaarka loo leeyahay iyo kuwa lacag la’aanta ah ee Magaalada Baydhobo.
Amaanka oo soo hagaagaya, ayaa sababay inay Iskuuladda iyo Ardayda wax ka barata ay soo kordhaan Magaalada Baydhobo, ee xarunta Gobolka Bay, sida uu sheegay Maadey Siidow oo ah Gudoomiyaha Waxbrashada Gobolka Bay.
Wuxuu sheegay in 10,540 ( Toban Kun iyo Shan Boqol iyo Afartan) oo Arday ah, kuwaasi oo 4,000 (Afar Kun) oo kamid ah ay yihiin Gabdho ay iska diiwaan geliyeen Sanadkan 20 Iskuul oo 10 kamid ah ay yihiin kuwa Lacag la’aan ah.
Ardayda ayaa dhiganaya Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare, waxaana kuwaa aan awoodin inay Lacagta Bisha iska bixiyaan ay heleen Iskuulo Dowladda maamusho oo Lacag la’aan ah (Aada Dugsiyada).
Sahro Abuukar Aadan, 19 Jir dhisagata Iskuulka sare ee Baidoa Model High School, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay Arday badan ay kusoo biireen Waxbarshada, iyadoo si gaar ah ugu baaqday Gabdhaha inay dadaal badan sameeyaan oo sare u qaadaan Aqoontooda.
Ugu Dambeyntii Hussein Mohamed Ahmed, oo ah Macalin wax ka dhiga Iskuulada Baydhobo ayaa sheegay in inkastoo Tirada Ardayda soo kordhayaan, haddana ay Macalimiinta haysato Dhibaatooyin isagu jira Mushaarkooda oo hooseeya iyo Tababar fiican oo aan helin.
Idale News Online – Xafiiska Baydhabo Janaay.