Hay’adda Baidoa Human Rights oo dhinacyada ku dagaalamaya Shabeellaha Hoose u jeedisay inay nabadda qaataan.

0
181

War-murtiyadeed ay soo saartay Hay’adda Baidoa Human Rights Watch ayaa waxaa aay walaac kaga muujinaysa dagaal beeleedyada ka socdo gobolka Shabeelada Hoose, kaasoo sababay in tiro dad ah ay wax ku noqdaan.

Waxaan ku baaqaaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda ka socoto halkaas, Waa in dhinacyada arrintu khuseyso ay ka joogsadaan falalka dagaalka, ayna si dhaqso leh u sameeyaan dadaal ay ku daminayaan xaaladda, khilaafaadkoodana ku xal uga gaarayaan, iyagoo u marayo si nabad iyo isu-tanaasul ku dheehan.

Waxaan leenahay waa laga soo gudbay xili dagaal beeleed wax kasto oo dhacana waxaa masuuliyadeeda qaadi doono Dowladda Fedaralka

Sido kale waxii xadgudubyo ee dhacay waxaa lagulo xisaastami doona kuwii geestay iyo kuwa dabada ka riixaya mana lagu fiirsan doono.

Waxaa leenahay dadka dagaalada wada waxaa la so taagi doono maxkmad hadii aay ka waan toobi waayan dagaalada lagu dhibaataynayo dadka shacabka ee ku dhaqan shabeelada hoose.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa ay khaati ka taagan tahay dhimashada joogtada ah, dagaalkuna maaha waddada keli ah ee xal lagu gaaro, sidaa darteed waxa aan si adag ugu baaqaynaa dhinacyada is haya in xabbad joojijin la sameeyo, qorigana dhulka la dhigo.

For more information, please Contact; Gudoomiyaha Hayada Baidoa Human Rights Watch Koonfurta Soomaaliya.

Nuur Ismail Sheikh Email: Sahalmedia@gmail.com

Phone: +252618935983.

BHRW.

Idale News Online, Baidoa