Moscow(INO) — Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Ruushka inay geysteen xad-gudubyo aadanaha dhan ka ah, iyadoo hay’addu ay soo bandhigtay caddeymo muujinaya in duqeymihii uu Ruushku ka geystay Suuriya lagu dilay 200-qof oo shacab ah.
Amnesty ayaa xustay in cilmi-baaris lagu ogaaday in diyaaradaha Ruushka ee dagaalka ay duqeymo ka geysteen shan goobood intii u dhaxeysay 30-kii bishii September illaa 29-kii bishii November ee sannadkan ay ahaayeen kuwo ay ku nool yihiin dad rayid ah.
Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in in diyaaradaha dagaalka Ruushka ay duqeeyeen guryo, isbitaalo, suuq iyo masaajido; kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaartay dad rayid ah.
Natiijada baaritaan ay sameysay ha’yadda Amnesty International ayaa waxaa lagu sheegay in tani ay muujineyso fashil la xiriira sida dowladda Ruushka aanay u ixtiraamayn sharciga caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.
Dhanka kale, Dowladda Ruushka ayaa ku cel-celisay in duqeymaha ay kawaddo gudaha dalka Suuriya ay ku bar-tilmaameedsadeen kooxo jihaadiistayaal ah oo aan rayid ahayn, kuwaasoo ay xustay inay khartar ku yihiin amniga caalamka.
Ugu deambeyn, xukuumadda Moscow ayaa bishii September ee sannadkan ka billlowday dalka Suuriya duqeymo ay ku beegsanayso saldhigyo xoogagga IS ay ku leeyihiin dalkaas, iyadoo taageeraysa xukuumadda Bashar Al-Assad.
Xukuumadda Ruushka ayaan weli wax jawaab ah ka bixin eedeymaha ay u soo jeediyay hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ee ah inay dad shacab ah ku laayeen duqeymaha ay kawadaan Suuriya.
Idale News Online, Mosow