Hay’ada Maareynta Masiibooyinka oo ka digtay xaaladaha Abaarta dalka

0
208

Muqdisho(INO)- Hay’ada Maareynta Masiibooyinka Qaranka Somaliya, ayaa ka digtay xaalad Qatar ah oo abaareed oo dalka ku soo fool leh, xilli abaar xoogan iminkaba ay ka taagan tahay qaar ka tirsan Gobolada dalka Somaliya.

Madaxa dabagalka iyo kormeerka ee Hay’adaasi Maxamuud Sheekh Xasan, ayaa sheegay in xaalad Qatar ah ay ka jirto qaar ka tirsan Gobolada dalka Somaliya.

Waxa uu sheegay xoolaha inay iminka u dhimanayaan xaalad abaareed oo taagan, sidoo kalena suuragal ay tahay hadii abaarta ay sii xoogeysato in dadka ay u dhintaan marxalada la joogo.

“Maamullada wey ogyihiin annagane baaq dheer baan soo jeedinney, marka hore abaar wey dhacday, abaartaasi saameynta inta ay la egtahay waa in la ogaado, waxqabadka Koowaad waa inaan u jeedinno baaq oo hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada Soomaaliyeed qabtaan wixii ay awoodaan, maamulladana sidoo kale, dalka ma leh keyd dhaqaale, wadanka xilli qatar ah ayuu soo marey, waa wadan hadda Eber kasoo billaabay, doorashada iyo abaarta ayaa is waafaqay, hase ahaatee wixii loo baahnaa ama la dhihi karey waan dhahnay, balse waxaad moodaa in lagu guda jiro in wixii la qaban karo la qabto”

Gobolada hada ay ka taagan tahay xaaladaha qatarta ee Abaarta ayaa waxaa ka mid ah marka laga hadlaayo Koonfurta Somaliya Gobolka Gedo iyo Gobolka Jubbada hoose.

“Meelaha hadda ugu daran gobollada Koonfureed waa Gedo iyo Jubada Hoose, gobollada dhexe waa Mudug, Waqooyi Galbeedna waa Togdheer iyo kuwo kale, marka dedaal badan waa la wadaa, ka warqab la’aan ma jirto marka nabaad guurka dhirta ee dalka ku dhaceysa ayeey abaarta sii nugleysay, haddii bilahan aysan di’in roobka waxaa laga yaabaa in dalka xaalad degdeg ah uu galo oo mushkiladda intaan kasii badnaato, dadka hadda xoolahoodii dhimashada billaabeen waxay ku xigaya dadka marka taas ayaa laga baqayaa”

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu dukaday Salaad roobdoon ah oo culimada ay u duceysay Umadda Islaamka Somaliyed in dhibaatada uu ilaahey ka saaro.