Hay’ada FBI-da Mareykana oo Baarintaano Ku Hayso Soomaali La Sheegey Inay Ka Dagaalamaan Dalka Syria.

0
203

Hayada Sirdoonka dowlada mareykanka ee FBI ayaa sheegtay inay wado baaritaano dheer oo ay ku sameynayso hubno ka mid ah Soomaalida dalka Mareykanka oo ka tagay labo magaalo ay ka dagaalamayaan dalka Syria. 
Cabdi Risaaq Bixi, oo ah agaasimaha waxbarashada iyo arimaha bulshada Soomaalida magaalada Minneapolis ayaa sheegay in labo kamid ah hayadaha FBI-da ay shalay la kulmeen, iyagoo kala hadlayay 20 ilaa 25 ruux oo Somali American ah oo ka qeyb galaya dagaaladaasi, waxaana hayada ay sheegtay inay baaritaano wado. 

Waxaan helaynaa warbixino, si loo cadeeyo shaqsiyaadkaasi inay u safreen dalkaasi, iyo shaqsiyaadkii fududeeyay safarka Syria”sidaasi waxaa sheegay madaxa xafiiska FBI-da ee magaalada Minneapolis Kyle Loven.

“Waxaan qorsheynaynaa inaan ka hortagno in bulshadaasi ay qataro la kulmaan oo dhalinyarada ay u safraan Syria si ay dagaalka uga qeyb qaataan”sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Loven.

Mar la weydiiyay tiradada shaqsiyaadka u safray dalkaasi ayuu sheegayan inay hayaan tiro dad ah oo u duulay dalkaasi, laakiin ay socdaan baaritaano arintaasi lagu xaqiijinayo.

Hayada ayaa ku baahisay baraha internetka in lagu soo wargeliyo haddii ay helaan warbixino la xiriira dad doonaya inay dagaalkaasi ay ku biiraan, laguna soo wargeliyo xafiiska hayada ay ku leedahay magaalada Minneapolis.

Idale News Online.