Baydhabo(INO)–Waxaa Maanta Soo gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, wefdi Sare oo Ka Kala Socoda Hay’ada AOM iyo Xafiiiska Siyaasadda Qaramadda Midoobey Ee Soomaaliya Ee UNSOM.
Wefdiga ayaa waxay si wadajir ah ay wada Booqadeen Xarun lagu dhaqan celinaayo Maleeshiyaad la Sheegey in ay Ka Soo Goostey, ururka Al-shabaab oo Dagaal Adag kula Jira Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda hub ka Dhigista iyo Dhaqan Celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Xuseen ayaa,u Sharxey wefdigu wax yaabaha Ay u qabtaan Maleeshiyaadka ku jira Xuntaasi iyo isku dabaridka Hawlaha Guud ee arintooda isla markaana waxa uu tilmaamey in Wasaaradiisu ay u taagan tahay Samata bixinta Dhalanyaradda Ka Goosta ururka Al-shabaab isla markaana Qaata Nabadd la Siinaayo Daryeel iyo Dhaqan celinta Toos ah.
Hay’ada AOM iyo UNSOM waxay si wdajir ah u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin dadaalada ay wado wasaaradda hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana waxa ay hoosta ka Xariiqeen in taagyeero ay Ka Geysan doonaan Xuntaasi, sidii ay Hore ugu Socon lahayd, iyagoona sidoo kale amaaneen waxqabadka Hufan ee Wasaaraddaasi.
Si Kastaba ha ahaatee, Xurunta Dhaqan celinta ee Baydhabo ayaa waxa ku jira tiro Maleeshiyaad ah kuwaasoo Sida La Sheegey ay ka oo goosteen ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka Dagaalama, isla markaana waxa ay gacanta ku haysa Wasaaradda hub ka dhigsta, Dhaqancelinta iyo Tababradda Maleeshiyaadka ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ugu Dambeyntii, Booqashadan Wefdi Maanta ayaa waxa ay Ku soo Beegmaysa xilli dhawaan xaruntaasi, sidoo kale ay Booqadeen wefdi Caalamiga ah oo uu Hogaaminayey, ku Xigeenka Danjraha Qaramadda Midoobey ee Soomaaliya Mr. iyo Saraakiil Ka tirsan Hay’da ILO Ee Soomaaliya.
Idale News Online, Baydhabo.