Muqdisho(INO)- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ayaa xalay hawlgal u muuqday inuu ahaa mid qorshaysan ku soo qabtay nin ka shaqeeya mid ka mid ah tima jarayaasha ku yaala Magaalada Muqdisho.
Hawlgalkan oo ka dhacay Isgoyska Dabka, gaar ahaan dhinaca Xarunta Degmada Waaberi, ayaa waxaa lagu soo qabtay nin lagu magacaabo C/laahi Cabey, kaasoo ka hawlgala tima jare halkaasi ku yaala.
Ciidamada Alpha Group oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa xiray wadooyinka soo gala goobtaasi, iyagoo shaqaalaha ka hawlgala weydiiyay C/laahi Cabey, waxayna u sheegeen in wax yar ka hor uun uu goobtaasi ka tagey.
Ciidamada oo watay qalabka lagu baaro teleefanada gacanta, isla-markaana kuu sheegaya goobta uu ku sugan yahay qofka la doon doonayo, ayaa markiiba ogaaday inuu ku sugan yahay ninkaasi maqaaxi ka soo horjeeda tima jarahaasi.
Wararka, ayaa intaa ku daraya in Ciidamadu ay dul istaageen C/laahi Cabey, iyagoona weydiiyay in magaciisu yahay C/laahi Cabey, warcelin ka dibna waxay ka kaxeysteen maqaaxidaasi.
Goobjooge, ayaa IdaleNews.com u sheegay in Ciidamada Alpha Group ay goobtaasi ka kaxeysteen C/laahi Cabey oo qura, isla-markaana ay ula dhaqaaqeen dhinaca Xarunta Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA).
Hawlgalkan, ayaa qalqal-geliyay dadkii ay wada shaqaynayen Cabey, waxayna wax iska weydiinayan tuhunka intaa le’eg ee ninkaasi soo galay.
Ugu dambeyntii, Taliska Hay’adda Nabad Suggida, ayaan wax war ihi ka soo saarin hawlgalka qorshaysan ee ninkaasi lagu soo qabtay, iyadoo ay adag tahay in macluumaad sax ah laga helo waxa uu ninkaasi yahay, balse waxay dadku shaki ka muujinayan in loo haysto Shabaabnimo.