Beled Xaawo(INO)- Iska horimaad xalay ka dhacay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa sababay geerida haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka, laguna magacaabi jiray Baarliin Maxamed Aadan.
Iska horimaadkan, ayaa waxaa uu ka dhacay agagaaraha Saldhiga Booliska Degmada Beled Xaawo, ka dib markii askar ka tirsan ciidamada ammaanka ay weerartay hoyga Sarkaal ka tirsan qaybta canshuur qaadist, oo lagu magacaabo Maxamed Daahir Nuur (Qurux).
Ciidanka ilaalada ee Sarkaalkan, ayaa iska caabin ugala hortimid askartii weerarka soo qaaday, waxaana la ogyahay in weerarkaasi ay ku dhimatay haweeneydaasi oo qura, mana jirto cid kale oo waxyeelo ay ka soo gaartay.
Aadan Axmed Xersi oo ka mid ah dadka reer Beled Xaawo, ayaa waxaa uu Dhacdo.com u sheegay in haweeneydaasi ay ka agdhaweyd halkii uu iska horimaadku ka dhacay.
Baarliin waxay ahayd hooyada dhawr carruur ah, waxaana maanta lagu wadaa in lagu aaso Khabuuraha Degmada Beled Xaawo.
Iska horimaadka xalay ka dhacay Degmadaasi, ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli iska horimaad kale uu Isniintii ka dhacay Degmadaasi, iyadoo lagu dhaawacay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Degmadaasi Bille Ibraahim Huufood iyo wiil uu dhalay, halka lagu dilay nin askari aha oo soo weeraray hoyga masuulkaasi.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay