Saciido Shaaciye oo ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Gobalka Minosta ee dalka Maraykanka, ayaa waxay dadaalkeeda Adeegga Bulshadda ku muteysatay inay Xubin buuxda ka noqoto Guddiga La-talinta Garsoorka ee dhallinta da’da yar ee Minosota (Juvenile Justice Advisory Committee for Minneapolis.”,
Guddoomiyaha Gobalka Minnesota, Mark Dayton ayaa ansixiyey inay Saciido Shaaciye xubin ka noqoto Guddigaasi oo shan xubnood ka kooban, kuwaasi oo loogu talagalay inay gacan ka geystaan La-talinta dhinaca Garsoorka ee Dhallinta ku nool Minneapolis.
Tirobook la sameeyey waxaa lagu ogaaday in 77.000 oo ka mid ah carruurta ku nool Minnesota noqdeen kuwo isticmaala Xashiishka iyo Daroogadda.
Madaxa Guddigaasi, Richard Gardell, waxa uu ammaanay Khibradda Shamso Shaaciye iyo sida ay wax uga qaban karto bulshadda ku nool Minneapolis, iyadoo ay Jaalliyadda Soomaalida tahay tan ugu badan ee ku nool Minosota.
“Haddii aad Saciido Shaaciye la kulanto ilaa shan daqiiqo, waxaad ku qancaysaa dadaalkeeda, ee aan si wadajir ah wax u wada qabano” ayuu yiri Gardell.
Saciido Shaaciye, oo xilka Guddigaasi hayn doonto ilaa 2016-ka,
Saciida waxay iyada iyo Waalidkeeda tageen dalka Maraykanka, iyadoo oo 8-jir ah, waxayna Waxbarashadda bilowday iyadoo aan aqoonin Luqadda Englishka.
Idale News Muqdisho