Haweeney Dil argagax leh dhawaan ka geesatay Cadaado oo iyana Xukun dil ah lagu riday

0
183

Baydhabo(INO); Maxkamad ku taala Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa shalay xukun dil ah ku riday haweeney dhawaan magaalada Cadaado dil argagax leh ugu geesatay gabar yar oo 7-sano jir aheed.

Haweeneyda xukunka dilka ah lagu riday ayaa 6-dii bishii Marso duleedka magaalada Cadaado waxa ay ku gowracday gabar 7-sano jir ah oo ay ku eedeesay in ay dhibtay sidoo kale ka dishay caruur yar yar ay dhashay.

Garsooraha maxkamada Galmudug Sheekh Maxamed Guuleed Kaynaan ayaa sheegay reerka ay lasoo jeedo gabadha yar ee la gowracay in ay diideen in ay qaataan diyo ayna codsadeen in dil qisaas ah lagu fuliyo haweeneuda dishay gabdhooda.

Waxa uu sheegay Garsooraha in laga wanaagsan yahay in wax walbo lagu dhaqo xeer jajab , waxa uuna uga digay odayaasha dhaqanka in ay ka waantoobaan xeer jajabka isagoona tilmaamay in muhiim tahay in wax walbo sharciga lagu dhameeyo.

Haweeneydan xukunka dilka ah lagu riday ayaa dilka ay u geesatay gabadha yar waxaa si weyn uga xumaaday bulshada Cadaado kuwaa oo qaarkood dhigay dibad bax, waxaana dilkaasi uu ahaa mid dad badan oo maqlay ay aad uga naxeen .

 

Idale News Online,