Nairobi, Kenya: Haweeneey uur leh ayaa kamid ahayd 10kii qof ee shalay ku dhintay qaraxyo ka dhacay Suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi.
Qaraxyo 2 ah ayaa shalay gelinkii danbo ka dhacay bartamaha Suuqa Gikomba, oo ah meel aad u mashquul badan, waxana ku dhintay dad lagu qiyaasay 10 halka 70 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo hada lagu dabiibayo Isbitaalada Nairobi.
Waxaa la sheegay in mid kamid ah qaraxyada lagu soo qariyay Baabuur Matatu ah qeybtiisa danbe, halka qaraxa kalena la dhigay meel lagu iibiyo dharka Huudheeyda ah oo aad u mashquul badan.
Weerarkan ayaa kusoo aaday daqiiqado kadib, markaasoo M/weyne Uhuro Kenyata shir uu ku qabtay aqalka Madaxtooyada ku sheegay, in doowladiisa wax badan ka qaban doonto weerarada argagixisada.
Majirto ilaa iyo hada koox sheegatay masuuliyada weeraradaas.
Suuqani ayaa waaxa uu ku yaala meel aan ka fogeyn xaafadda ay soomaalidu u badantahay ee Eastleigh.
Booliska ayaa sheegaya in walxaha loo adeegsaday qaraxayadani ahayeen kuwa macmal ah oo guryaha lagu farsameeyay.
Qaraxyadani waxa ay ugu dambeeyeen qaraxyo xiriir ah oo indhawaalaba dhacayay dalka kenya oo intooda badan lagu eedeeyey, kooxda Islaamiga ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
Qaraxyadani ayaa ku soo beegmaya maalin uun kaddib markii waddamada mareykanka, UK iyo faransiiska ay muwaadiniintooda ugu digeen qaybo ka mid ah dalka Kenya.
Boqolaal qof oo ah dalxiisayaal u dhashay dalka Britain ayaa laga daadgureeyay magaalo xeebeedka Mombassa, xilli ay jirtay cabsi laga qabo weeraro halkaasi ka dhaca.
Shirkadaha dalxiiska Britain ayaa hakiyay dhowr duulimaad oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Mombasa, oo ah magaala madaxda labaad ee dalkaasi Kenya.
Xarunta hawlgalada musiibooyinka qaran ee Kenya ayaa sheegtay in qaraxa koobaad uu ka dhex dhacay gaari bas ah, halka qaraxa kale uu ka dhacay gudaha suuqa Gikomba.