Buurdhuubo ( INO)-Inta la xaqiijiyay ilaa 7-haween ah ayaa Ciidamada Itoobiya ku xireen degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo halkaaso oo la sheegay in ay isku khilaafeen iyaga iyo Maamulka Degmadaasi kadib markii uu Maamulku bilaabay dib u dhiska Xarun waxbarasho oo haweenku shegeen inay Gacanta ku hayeen,
Marwo Faadumo Daahir oo ka mid ah Haweenka Gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegtay inay Haweenku jirdil kala kulmeen Ciidamada Itoobiya isla markaasina uu amar ku bixiyay in la jirdilo oo la xiro Gudoomiyaha degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo diiday in ay Haweenku sheegtaan Mas’uuliyada iskuulka dhismaha lagu Bilaabay,
Marwo Faadumo Daahir oo si qiiro leh uga hadashay jirdilka iyo xariga loo geyastay Haweenka ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya in ay soo fara geliyaan dhibaatooyinka lagu hayo Haweernka Gobolka Gedo oo ay sheegtay in laga hortaagan yahay horumarinta waxbarashada Gobolkaasi,
Ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan Ciidamo Soomaali ah ayaa Xabsiga dhigay Haweenkan oo la sheegay in ay sheegteen Mas’uuliyada iskuul la dayactirayay oo ku yaala degmada Burudhuubo waxaana xusid mudan in Haweenka la jirdilay qarkood Saldhiga degmadaasi laga soo saaray iyaga oo Suuxsan.
Idale News Online, Dhuurdhuubo