Hanti dhowrka Guud oo sharci darro ku tilmaamay ansixintii Golaha Wasiirada ee miisaaniyada 2017

0
187

Muqdisho(INO)— Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sharci darro ku tilmaamay miisaaniyada sanadka 2017 oo ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada, isagoo xusay in aan xisaab xir lagu sameyn miisaaniyadii sanadkii 2015.

Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay u ansixiyeen Miisaaniyada 2017, si qudbo siro ah oo lala baal maray sharciga, waxaana mas’uuliyada eedaas qaadaya Wasiirka Maaliyadda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

“Miisaaniyada sanadkii 2015 oo aan xisaab xir iyo xisaab celin laga sameyn, baa miisaaniyada hada la ansixiyay qalad baa ku jira, waana sharci daro ansixinta Golaha wasiirada, waxaana loo ansixiyay si qudbo siro”ayuu yiri Hanti dhowka Guud oo intaa ku daray in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka uu isugu yeeray Wasiiro aan 10 dhameyn, kaddibna ansixiyay miisaaniyada.

Waxaa uu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka ay aheyd inuu qoraal ku lifaaqo marka lagu sameeyo xisaab celin iyo xisaab xir miisaaniyadii sanadkii 2015, balse ay iska dhega tireen Wasiirka Maaliyadda iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Miisaaniyada ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa uu ka yar yahay miisaaniyada sanadkii 2016, iyadoo dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya uu dib u celiyay miisaaniyada saddexda bilood ee uu soo bandhigay Wasiirka Maaliyadda.

Miisaaniyada sanadkan 2017 waxaa ku jira qarashka ku baxaya Aqalka Sare oo ah mushaaraadka ay qaadanayaan Senatorada, oo ah $3,000 Senator-kasta.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la hor-geeyo miisaaniyada sanadkan 2017, iyadoo uu ka doodi doono, kadibna loo qaadi doono cod.