Heerenveen(INO)- Maamulaha labaad ee shirkada Afgaay Technology It design Maxamed Ibraahim Cali iyo marwadiisa Faadumo Ibraahim Xuseen ayaa waxa uu wiil ugu dhashay magaalada Heerenveen ee dalka Holland taariikhdu markay ahayd 02/08/2016 wiilkaas oo loo bixiyay Xamsa Maxamed Ibraahim.
Hadaba Tafatiraha iyo Soo Saaraha Wararka Ee Shabakadda Idale News Online iyo dhamaan howlwadeenadeeda waxa ay hambalyo dhalasho u dirayaan Maxamed Ibraahim Cali iyo xaaskiisa Faadumo Ibraahim Xuseen ayaga oo sidoo kalena Illaah uga baryayaa inuu Xamsa yare noqdo mid soo bar baaro naftiisa, waalidkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba anfaca.
Sidoo kale waxaa hambalyo midaas la mid ah u dirayo lamaanaha uu wiilka ugu dhashay dalka Holland guud ahaan warbaahinta Soomaaliyeed ee xiriirka la leh Afgaay Technology It design.