Halyey Abuukaate Xaseey oo ku geeriyooday Virginia

0
207

Waxaa Gobolka Virginia ee Mareeykanka shalay ku geeriyooday, Allaha unaxariistee Marxuum Xasan Shiikh Ibraahim Xaseey, oo mudo dheer xanuunsanaa, islamarkaasna ahaa Abuukaate caan ah.

Maaweel Xaseey,oo ah wiil uu dhalay Abuukaate Xaseey, ayaa VOA uxaqiijiyay Geerida Abuukaataha.

“Aabo Allaha unaxariisto wuxuu dhintay saakay markii ay ahayd 6:00 oo subaxnimo, wuxuu xanuunsanaa mudo sanad iyo bar ah” sidaa waxaa yiri Maaweel Xaseey.

Abuukaate Xaseey, waxa uu ahaa Qaren ay dadka Soomaaliyeed si weyn u garanayaan, gaar ahaana doorkiisii qareenimo.

Abuukaate Xaseey oo aqoon durugsan ulahaa dhinaca sharciga, waxa uu wakiilo usoo noqday shirkado iyo Hay’ado waaweyn, iyo dalal, waxaana shirkadihii uu qareenka u ahaa kamid ahaa Somali Airlines, Safaarada Ameerikaanka, Safaarada Talyaaniga iyo Safaarada Libya.

abukaate-xasey

Idale News Online, USA