Halkee marayaa mashruucii isu jirey dhismaha isbitaalka iyo iskuulka Deegaanka Haakow ee Gobolka Shabellaha Hoose?(Akhriso+Daawo Sawirada)

0
364

Degaanak Haakow ee gobolka shabellaha Hoose waxa si weyn ugu soctaa dhismiyaal  isugu jiro xarun caafimaad iyo iskuul. kaasoo  door lixaad leh ka qadanayaan  bulshada degaankaasi dal iyo dibad intuba. hada waxa si dardar galin leh ama si habsami leh ku soctaa howshaasi.

Hadaba Akhristiyaasha  sharafta leh  ee Shabakadda www.Idalenews.com waxaan halkani idin ku  soo bandhigaynaa halka uu  mareyo mashruucii ka socdey deegaanka haakow ee Gobolka Shabelaha Hoose  ee dhismaha iskoolka iyo isbitaalka lagu wado dhawaanahanbe.

Halkaan ka daawo sawirada  sida  ay usocoto shaqada dhismaha iskuulka iyo cusbitaalka degaanka Haakow Ee degmada wanleweyn. hase ahaatee  waxa la rabaa dhamaan bulshada ku abtirsataa degamada daafeet iyo ooflow taagyeero  lacageed  lagu sii wado howshsaai hadii aad tihiin ama aad tahay qof ku faraxsan horumarka u bilowdey  bulsha weynta daafeet iyo ooflow  qof walba  ka qeybqaado si hormar loo gaaro wixii aad awoodona kusoo shuba banka account-tigaan. inta muxsiniinta  ah  ee jecel  samada in dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan oo ajarkoodana illaah ka rajeysanayaa.

Halkan ku soo shuba si howshaan culus loogu dhameystiro. koontadana waa dahabshiil waana sidan:- MUQD0021271. Halkaan kusoo shuba walaalaha meelkasoo aad joogtaan wixii karaankiina ah si howshaasi  ee Hormarinta ah ee waxtarka u leh dadka iyo degaanka Haakow ee Gobonlka Shabeellaha hoose  si hufan loo wada dhameystiro shaqadan adag qof walba ka qeybqaado horumarinta dalkaanga dadkaaga iyo degaankaaga mar weliba.

Haakow1haakow2haakow3haakow4haakow5

 

Idale News Online.

xaquuqda sawirada: Mustafe Axmed.