Haddii Amniga Kismaayo la Waayo waxaa la Dilayaa cid kastoo laga Shakiyo!

0
226

Kismaayo (IN0) – Magaalada Kismaayo waxaa looga Dhawaaqay in Ciddii laga Shakiyo la dili doono, hadii uusan Amaanka Magaaladaasi Hagaagin.

Teaser Image Haddii Amniga Kismaayo la Waayo waxaa la Dilayaa cid kastoo laga Shakiyo!

Gaboobe Xasan Barre waa Xubin Sare oo ka Tirsan Maamulka Jubba Axmed Madoobe, wuxuuna ku Magacaabanyahay Taliyaha Booliska ee Jubba , waxaa uu Saakay ku dhawaaqay in ay Ciidanku  Dili karaan Cid kasta oo ay ka Shakiyaan iyagoo aan Maxkamad ama Baaritaanba ku Sameyn.

Gaboobe waxaa uu ka Dhawaajiyay in aysan Cafis aheyn cid Kasta oo looga Shakiyo Shabaabnimo iyo Amaanka Carqaladeyntiisa, Al-shabaab iyo Jubba  Shan sano ka Hor waxaa ay ahaayeen isku Koox Axmed Madoobena waxaa uu sheegay mar aan sidaa usii Fogeyn in uusan Waligiis Al-shabaab ka Tanasuleynin.

Idale News Online -Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here