Muqdisho(INO)- Saacado kooban ayaa ka harsan xiliga doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, oo la filayo in lagu kala baxo gelinka danbe ee Arbacada. 22 Musharax ayaa u taagan iney ka qeybgalaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka.
Murashaxiinta loolanka ugu jira hoggaanka dalka, intooda badan waa kuwo ka tegay qurbaha, qaarkood siyaasadda dalka lama saan qaadi karaan, warna uma haayaan marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray. Murashaxiinta qaar ayaa dantooda tahay inay yihiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kale ay daneenaayaan iney siyaasadda kusoo galaan si ay uga helaan magac.
Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Waxaa la arkayaa kuwo ku dhisan qaabka qabiliga ah ee aan soo dhaafin dalalka reer-galbeedka ee qaxootiga Soomaaliyeed ceyr ku noolka ahi daggan yihiin, waxqabadkoodana ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah iyo inay shirar u qabtaan dadka Jaaliyadaha kuna kala qaybsan qabiil-qabiilka ah. Waxay kuwaasi yihiin kuwo haba-yaraatee aan dalka gudahiisa laga aqoon, oo hadda bilaabay iney gudbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan, qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee magac u yaalka halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.
Way dhici karta inay jiraan murashaxiin haddii si dhab ah loo rogrogo baranaamijyadooda, laguna qanci karo maabdi’dooda siyaasadeed iyo ahdaafta ay gudbinayaan marka lagu dhereriyo sida guul looga gaari karo marxaladaha dalka ka jira iyo duruufaha ku hareysan arrimaha aminga iyo midnimada qaranka, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xurmo-siinta xuquuqda dadka muwaadaniyiinta ah. Laakin waxaa ka horimaan kara mushkilad la xiriira xagga aqoonsiga sharcinimada.
Haddii aan soo qaato seddaxda murashax ee ugu cad cad oo tusaale ah, waxaa lagama maarmaan ah sida ay ila tahay in aan faallo ka bixiyo kuwa aan wax ka ogahay taariikhadooda, sida, : –
Xasan Sheekh Maxamuud:- Wuxuu si aan la maleysan karin 20112-kii kaga guuleystay kursiga uu afarta sano ku fadhiyay Shariif Sh. Axmed, taariikhdiisa waxbarasho waa ay sareysaa, wuxuuna ka mid ahaa bulshada rayidka ee u taagnaa mudadii burburka tayeynta iyo kor u qaadista waxbarashada Soomaaliya.
Xasan Sheekh wuxuu madax u ahaa xisbiga Nabadda iyo horumarka PDP, kaasoo uu kusoo galay ololihii doorashada ee uu ku guuleystay 2012-kii.
Madaxweyne Xasan mudadii uu dalka xukumayay wuxuu kasbaday dhaliil iyo amaan, waxaase guul taariikhi noqotay guushii uu kasoo hoyiyay Washington oo dowladda Somalia loogu aqoonsaday dowlad rasmi ah oo caalamka dhan aqoonsan yihiin. Dadaalkii uu dowladdiisa ay ku bixisay dhismaha maamulada dalka. Dhaliilaha Madaxweyne Xasan marka la eego waa kuwo ragaadiyay horumarka dalka iyo hay’addihii amniga, garsoorka, caddaalada, maaliyada iyo ku takrifal hantidii dowladda oo shaqsiyaad isaga gacansaar la leh iyo dad xigto hoosaad la ah ay ku takrifaleen hantidii danta guud iyo tii kale ee horumarka dalka loogu talagalay, waxaa lagu eedeeyaa in doorashooyinkii ka dhacay gobolada dalka ee xildhibaanada lagu soo doortay inuu ku lug lahaa masuqmaasuqyadii ka dhacay. Hadda rajadiisa waxay tahay ama loo badinayaa in mar labaad uu guuleysto.
Mohamed Abdullahi Farmaajo: –Murashaxa xisbiga aan muuqan ee Tayo, laakiin shaqsi ahaan ugu jira tartanka, muddo lix bil ku siman ayuu ahaa Wasiirka koowaad. Xilkaas ka hor, ma ahayn shaqsi hore siyaasadda looga yaqiin ama magaciisa la maqal, laakin waxaa keenay waqtiga iyo awood-qaybsiga 4.5. Sida uu ku sheegtay taariikh-nololeedkiisa markii xilka wasiirka koowaad oo ka bilaabay jago siyaasadeed ee uu qabto, wuxuu degganaa muddo labaatan sanno ah, dalka Mareykanka oo jinsiyaddiisa heysto, wax ku bartay, ku guursaday, kuna ilmo dhalay. Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu xilka ku waayay, marka uu la soo baxay siyaasado waddaniyad iska yeel, maamul wanaag, ka xureynta dalka xoogagga argagixisada iyo is-muujin wadashaqeyn wadareed ee isaga, xukuumaddiisa iyo Madaxweynaha.
Sh. Shariif Sh. Axmed: Wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar, sanadkii 1964-kii, waxbarashadiisana wuxuu ku dhameystay magaalada Muqdisho, magaalooyinka Khartoum iyo Tripoli oo uu ku dhameystay waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed, isagoo shahaadada Bachelor Degree ee luuqada Carabiga iyo Juqraafiga ka qaatay Jaamacadda Aldalanj. wuxuuna Bare ka noqday dugsiyada sare ee dalka, isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka.
Sheekh Shariif wax khibrad siyaasadeed ma laheyn ka hor 2006-kii xiligaasi oo uu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Islaamiga ee SII SII, aakhirkiina wuxuu u soo gudbay inuu hoggaamiyo Midowgii Maxaakiimta ee dalka la wareegay Muqdishana awood ugu saaray Qabqablayaashii dagaalka. Fursadaasi waxay SHariif u noqotay in uu maanta hoggaamiyo dalka, damac kalena kasii galo inuu mar seddaxaad kale u tartamo Madaxtinimada dalka.
Cumar C/rashiid: waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 18 /June sanadkii 1960, wuxuu kazoo jeedaa qoys siyaasadda caan ku ah, Aabihii C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa xilka ra’iisul wasaarenimo ugu horeeyay, sidaasina uu isagu ku dhaxlay. Cumar waxaa uu maadooyinka siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamacadda Carleton ee ku taal magaalada Ottawa ee dalka Canada oo dhalashadiisa haysto.
Markii ugu horeysay ayuu siyaasadda Soomaaliya kasoo muuqday sanadkii 2009 oo madaxweyne Shariif Sh. Axmed uu u magacaabay R/wasaare, laakiin khilaafyo ragaadiyay xukuumaddiisii iyo isfaham daro isaga iyo madaxweynaha ayuu ku waayay xilkiisa, wuxuuna u laabtay Canada. Xasan Sheekh madaxweynaha DFS ayaa u yeeray, wuxuuna u magacaabay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, laakiin bilooyin kadib wuxuu nasiibkiisa noqday in mar kale loo magacaabo ra’iisul wasaare.
Cumar C/rashiid ayaa lagu xusuusan doonaa taariikhda madow ee heshiisyadii xukuumaddiisa u saxiixday Kenya, heshiisskii MOU ee muranka geliyay xuduud badeeda qaranka Soomaaliya ee dhaliyay in Kenya haweyssato baddeena. Taariikhdaasi madow oo bulshada Soomaaliyeed aysan marna hilmaami doonin waxay qof walba ku noqotay murugo iyo wax laga xumaado.
Qofka kasta oo Musharax ah lana doorto waxaa maanta hor yaal Soomaaliya oo ah dal burbursan iyo Dowlad fashilantay, heystaan dhibaatooyin xagga amaanka iyo midnimada Qaranka.
Soomaaliya waxaa hareeyay Dagaallo sokeeye, tacadiyada qabqablayaalka dagaalka, faragelinta Dowladdaha deriska, saameynta Argagixisada caalamiga, Abaaro soo noqnoqda iyo isbadalada deegaanka ku dhacayDhinaca kalena waxay la tabaaleysan tahay karti darada, masuq maasuqa iyo caddaalad darada ee ka imaaneysay dowladdihii danbe ee kala danbeeyay, dastuurada qaldan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta wadanka oo la qaadan karin.
Beesha caalamka Soomaaliya dayacaad badan ayey ka geysatay, walow xaaladaha qaarkood ay gargaar ka sameyso, hadana ma ahan kuwo quman oo dhameystiran. Hubka faraha badan ee Soomaaliya kasoo gelaya wadamada deriska iyo kuwa Carbeed waxay sahashay in wadanka ay ka jiraan qabaa’il iyo Burcad badeed xoog badan oo aan la loodin karin, iyagoo kuwa xukunka isku koobay, iyagana dhawaanahan lagu eedeynayay iney lunsadeen qeybo ka mid ah kaalmooyinka Maaliyadeed ee Soomaaliya soo gaaray iyo in la masuq maasuqo dakhliga gudaha.
Saas darteed fariinta ku socota Murashaxa guulesta waxaa looga baahan yahay arrimahaasi aan kor ku soo sheegnay sidii xal karti leh ugu heli lahaa.
Ali Muhiaddin Ali