Gudoonka Barlamaanka oo si rasmi ah loo gudbiyey Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Saacid

0
207

In ka badan 50-xildhibaano ayaa goor dhow u gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo tallaabadan ay bilow u tahay abaabul mudanayaasha baarlamaanka ugu jiraan inay ku ridaan Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Warar ay heleyso Idalenews.com ayaa sheegaya in la soo gaba gabeeyay qorshayaashii mooshinka ee maalmahan laga waday magaalada Muqdisho, waxaana abaarihii duhurnimadii maanta qoraalka mooshinka oo ay ku saxiixnaayeen ilaa lixdameeyo Xildhibaan la geeyay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu ku soo aqristo mooshinkan muddo shan maalmood gudahood, kadibna baarlamaanka uu fariisanayo, si codka kalsoonida loogu qaado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanada wada abaabulkan ayaa u badnaa Wasiiradii xukuumadii hore iyo Xildhibaanadii horay uga tirsanaa baarlamaankii KMG, kuwaasoo waayo u joog ahaa marka ay timaado xaaladaha mooshinada oo kale.

Laakiin waxaa la leeyahay sida ay isugu xirnaayeen Xildhibaanada tan iyo labadii maalmood isuguma xirna, waayo waxaa la kala fur furay intii badneyd ee xildhibaanada abaabulka waday, waxaana shalay mudanayaasha mooshinka waday ay ku dhowaayeen ilaa boqol, balse tiradaas ay haatan hoos uga soo dhacday.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagama seexan labadii habeen ee la soo dhaafay, waxaa ka socday kulamo iyo qorshayaal lagu kala jiidanayay Xildhibaanada, waxaana ay gaartay heer mudanayaasha beel beel loola shiro, si ay u xiisada u qaboojiyaan, inkastoo aan lagu guuleysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif Xasan oo ku sugan magaalada Nairobi uu qeyb ka yahay ololaha ka dhanka ah Xukuumada ee mooshinka laga geeyay.

Ururada Bulshada rayidka oo shirar kala duwan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la joojiyo mooshinka laga wado Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Saacid, hase ahaatee ma jirto cid dheg u dhigtay baaqooda.

Idale News Muqdisho