Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Bay Oo Soo Dhaweeyey Magacaabista Maamulka Cusub Ee Gobolka Bay

0
439

Baydhabo(INO)-Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Bay, Dr. Cabdi Aadan Hoosow Ayaa Soo Dhaweeyey Magacaawista Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Bay, isagoona balanqaadey inuu Soo bandhigi doono Dhawaan Marxaladiihii kala Gedisanaa  iyo Dhibtooyinkii  Ku Soo Dhex Shaqeeyey Maamulkiisi hore.

__________________________________________________________

“Waxaa shalay la magacaabey guddoomiye cusub, shaqadana ku cusub. Magacaabistiisa waxay soo martey duruufo badan. Aniga shaqsi ahaan inaan ka tago meesha qorshe ayuu ii ahaa, waxaana ka wada hadalney rag muhiim ah (iyadoo faahfaahsan ayaan keeneynaa oo caddeyn leh), laakiin waxaan sugayey ilaa qof la magacaabo. Qofna wuu yimaadaa, qofna wuu baxaa, qofna wuu dhashaa, qofna wuu dhintaa, waa quruxda adduunka iyo sida uu shaqeeyo. Waxaan illaah uga baryeynaa inuu illaahey xilka la qaado Guddoomiyaha cusub.

Waxaan dhowaan soo qori doonaa waxyaabihii shaqada intaan ku jirney na soo marey, wixii na dhibey, wixii noo qabsoomey, wixii naga qaldamey dhamaan. Waxaa ka mid ahaan doonaa macluumaad dadka intooda badan ay la yaabi doonaan. Laakiin inta ka horeysa waxaan rabaa inaan idiin soo gudbiyo maqaal aan ugu magac darey, Maxaa Heysta mas’uulka DM?

Maqaalkaasi wuxuu wax ka taaban doonaa, bulshada Digil iyo Mirifle, dhaqankooda, fekerkooda, wax go’aamintooda,,wax taageeristooda, diidistooda, xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo masuuliyintooda, habkii loo maamuli jirey, aafooyinka jira ee u baahan in wax laga beddelo.

Maqaalkan dheer, dad baa laga yaabaa inay jecleystaan, dadna necbeystaan, wax badan oo aad ogeyd ayuu si fiican kuugu sharxi doonaa, wax aadan ogeyna kuu sheegi doonaa, kuwo aad rabtey inay sidooda kuu ahaadaan ayuu qasab kaaga saari doonaa. Waxyaabo aad dhegaha ka xiraneysey ayuu kugu qasbi doonaa inaad dhegeysato.

Maqaalkaas ka dibna, waxaan soo gudbin doonaa sida ay shaqadeenu aheyd, marka laga reebo kuwa website-yada ka caaytama waxa ay soo qoraan, dadka caadiga ah ee raba inay wax ka ogaadaan sida ay shaqadeenu aheyd, wixii saxmey, wixii qaldamey dhamaan waan soo gudbin doonaa, waxyaabihii ugu farxadda badnaa, kuwii ugu murugada badnaa, kuwii ugu naxdinta badnaa intaba, kuwii ugu yaabka badnaa, dhamaan.

Qofkii iska jeclaa inuu wax uun dhaliilo, dhaliishaada iska tuuro iskana tag, waayo tabartaada ayaa intaas ah, anaguna kuguma qasbeyno waxaadan tabartaada aheyn inaad sameyso., kii ka tirsanaa “ Ururka Hoosow aan iska Caayno” waxaan ku leeyahay caay cusub doono, kuwii lacagta kugu bixin jirey inaad soo qorto caayda ku noqo si ay been abuur kale kuugu raadiyaan. kuwii meeshii loo bato iska raaci jireyna, iska suga illaa meel loo batto. Kuwii ogaa duruufaha aan wax ku maamulno iyo dhibka oo mar walba dhibsan jirey markii uu ururka caayda soo qoro oo I dhihi jirey maad runta qortid oo cawaantaan kugu xadgudbaya u jawaabtid, oo aan ugu jawaabi jirey waqtigeeda ayey leedahay, waxaan leeyahay waqtigii baa la gaarey”

W/Q: Ex. Gudoomiye Dr. Cabdi Aadan Hoosow.

Idale News Online, Baydhabo, KG Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here