Siidii oo dhaliilay tallaabada Amisom kaga baxday Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose

0
210

Marka(INO)-C/qaadir Maxamed Nuur  (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxa uu Ciidamada Amisom ku dhaliilay inaanay Dowladdu ku soo wargelin, ka bixistooda Awdheegle iyo Bariire.

Gudoomiyaha, ayaa wax layaab leh ku sheegay in Ciidamada Midowga Afrika isaga baxaan qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo aan ku wargelin Dowladda Federalka Somaliya.

“Layaab ayay nagu noqotay ka bixista Ciidamada Amisom qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxay ka baxeen fariisimihii ay ku lahaayen Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

“Amisom iyo Dowladda ayaa horey ugu heshiiyay in Amisom ka baxdo, laguna wareejiyo Ciidanka Xooga Dalka, laakiin hadda inay ka baxdo Amisom waxay ahayd mid deg deg ah. Layaab ayay nagu noqotay inay isaga baxaan, iyagoo waxba nagu soo wargelin. Arrin kedis ah ayay nagu noqotay arrintan.” Ayuu yiri C/qaadir Maxamed Nuur.

C/qaadir Siidii, ayaa yiri “Abaabul iyo orod badan ayaan sameynay, hadda Ciidanka Xooga Dalka ayaa jooggo Awdheegle iyo Bariire. Cabsi ayaa jirta inay soo weeraraan nabadiidka, inkastoo ilaa iyo hadda aysan waxba dhicin.”

“Meelaha ay hadda Amisom ka baxday waxay difaac u ahayd wadada Muqdisho iyo Kismaayo. Ciidamo BM, taangiyo watay inay ka baxaan fajac ayay nagu noqotay.” Ayuu sii raaciyay Siidii oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeymaha kaga yimid Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here