Muungaab oo looga yeeray Xarunta Dembi Baarista ee Xisbiga

0
246

Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Dembi Baarista ee Xisbiga.

Xarunta Xisbiga oo ku dhex taala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka hawlgasha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Somaliya, waxaana xilligan looga yeeray Duqa Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho, ayaa waxaa lagu wadaa in su’aalo laga weydiiyo laba arrimood oo si weyn looga hadalhayo Magaalada Muqdisho, oo kala ah haweeney uu saygii qabay ku soo eedeeyay inuu xaaskiisii hawo beenaad ah uu geliyay iyo burburin uu Maamulka Gobolka Banaadir Arbacadii u geystay qaybo ka mid ah Masaajidka Sheekh Cali Yuusuf ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho

Hay’adaha ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyay tallaabada uu Muungaab ku burburiyay qoyskii deganaa Degmada Xamar Weyne, ayaa dusha ka riixaaya in Muungaab wax laga weydiiyo falkaasi.

Bakar Sheekh Cali oo maalmo ka hor u cararay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ayaa wuxuu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku eedeeyay inuu hawo been ah uu geliyay afadiisii, ilaa markii dambe uu gurigoodii ka burburay.

Fa’isa Aweys Bashiir oo ahayd xaaskii Bakar, ayna u dhashay afar carruur ah, ayaa waxaa Muungaab lagu eedeeyay inuu damaaciyay.

Hay’adda Nabad Suggida Qaranka oo aanu cilaaqaad wanaagsan kala dhaxeen Duqa Muqdisho, ayaa waxaa la dhowrayaa tallaabadii ay qaadi laheyd.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here