Baydhabo(INO)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta tagaya Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay halkaa oo maanta ay ka dhacayso Xaflad lagu Caleemo saarayo Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socota Saaka qaban qaabada Xafladda Caleemosaarka Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Koofur Galbeed,waxaana ka qeyb gali doona Madax ka socota Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira qaarkood.
Sidoo kale Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamo badan oo iskugu jira kuwa Dowladda Soomaaliya,kuwa Maamulka Koofur Galbeed iyo AMISOM la dhigay wadooyinka.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Koofur Gabeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa horay u sheegay in Baarlamanka uu hogaamiyo uu wax qabad la imaan doono.
Idale News Online, Baydhabo