Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Waraabe”Madaxweyne Xasanow Bulshada ha isku dirin”

0
186

Hargeysa(INO)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradkaa ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee ka jirta Dalka Soomaaliya gaar ahaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Feysal cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ugu baaqay in Gacanta Xasan Sheikh Maxamuud aysan Dadku isku dilin,waxaana uu tilmaamay in dhibaatada ugu badan ay keeneyso Maamulada tirada badan ee Dalka laga dhisayo.

“Tusaale waxaan u soo qaadanayaa Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya oo maalmo ka hor laga dhisay Magaalada Baydhabo Madaxweynaha ayaa Taageeray waxaana jira Dad badan oo ka soo horjeeda,Soomaaliya dagaal iyo Qabiil la isku dilo wey ka soo daashay,Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa uu rabaa in Qabiilkii dib loogu laabto”sidaa waxaa yiri Mr Waraabe.

Idale News Online, Hargeysa