Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo la doortay

0
383

Muqdisho{INO}Wararka inaga soo gaaraya Hotel City Palace ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu ku guuleystay Maahir Aadan Jaamac oo ka mid ah wariyeyaasha ka socda deegaanada Puntland.

Maahir Aadan Jaamac ayaa helay codad gaaraya 93 cod, halka Aadan Maxamed Salaad Aadan Kismaayo oo isaguna ka mid ah wariyeyaasha ka socda deegaanada Jubbaland uu helay 56 cod.

Wali waxaa Hotel City Palace ka socta Doorashada Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee NUSOJ, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee NUSOJ iyo xoghaya Guud ee NUSOJ.

W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}