Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidanka Qalabka Sida Oo Gaaray Baydhabo

0
249

Baydhabo-(INO)- Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarow ayaa  gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaana gudoomiyaha garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda  Koonfur galbeed Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Koonfur galbeed.

liibaan-cali-yarow

Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarow ayaa waxaa uu booqday xabisga dhexe ee magaalada Baydhabo oo ay ku jiraan maxaabiis aad u badan oo ay kamid yihiin dad lagu eedeyay in ay ka tirsan yihiin Xoogaga Al-shabaab Ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa waxaa markii uu tagay xabsiga waxaa loo soo bandhigay nin ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ciidanka amniga ay qabteen xilli uu doonayay in uu gaari walxaha qarxa ka buuxaan uu ku weeraro madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarow gudoomiyaha Maxkamadda sare ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa inta uu joogo gobolka Baay waxaa la filayaa in uu xukuno kala duwan ku rido eedeysanaasha ku jira xabsiyada magaalada Baydhabo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here