Gudoomiyaha la dagaalanka Qaadka oo Buuhoodle ku wajahan

0
229

Buhoodle(INO)-Gudoomiyaha La dagaalanka Qaadka Abukar Jaamac Cawaale (Qaad-Diid) oo mudooyinkii danbe ololihiisa ka wadey dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda inuu gaaro magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

qaaddiid

Sida ay Warbaahinta Idale News Online u sheegeen qaar kamid ah Saraakiisha Ololaa la dagaalanka qaadka waxaa la filayaa in Abukar Cawaale iyo Wafti la socda oo wacyigelinta la dagaalanka Qaadka u wada bulshada Buuhoodle uu Buuhoodle soo gaaro isagoo qaybaha bulshada kala hadli doona sida ugu haboon ee qaadka la isaga joojin karo.

Abukar Cawaale ayaa mudo 2 bilood ah oo uu dalka Joogey ololaha la dagaalanka Qaadka ka sameeyey inta badan magaalooyinka iyo tuulooyinka Hoos yimaada goboladda, Bar, Nugaal, iyo Mudug waxaana marka uu Cayn ka laabto u qorshaysan inuu ololaha gaarsiiyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Magaaladda Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa kamid ah magaalooyinka Soomaalida ee sida weyn uu usoo galo Qaadka oo dhawr jiho kaga yimaada waxaana arintaasi ka dhasha dhaqaale badan oo dibada uga baxa magaaladda.

Idale News Online, Buuhoodle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here