Mogadishu, Idale News (INO) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada dadban ee heer Federaal Cumar Maxamed Cabdulle oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in xilliga ay dhaceyso doorashada 2016 lagu go’aamin doono shirka Madasha Qaran ee Muqdisho ka furmi doona. Wuxuu ka hadlay diyaargarowga guddiga iyo arrimaha hor yaala, isagoo faahfaahin ka bixiyay sida guddigu u yahay dhexdhexaad howshiisa u gudan doona si xalaal ah. Guddoomiyaha Guddiga ayaa sheegay in guddigoodu ka madax bannaan yahay dhammaan siyaasadaha iyo kooxda is diidan, isagoo codsaday in lagu qiimeeyo waxqabadkooda.
Halkaan Ka daawo Shirkii Jaraa’id ee Madaxa Guddiga Doorashada Cumar Dhageey:
Xafiiska Warqabadka Idale News, Mogadishu, Somalia