Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qadir Siidi oo lagu eedeeyey inuu ku lug leeyahay Isbaheysi ka dhan dadka deegaanka Shabeelaha Hoose

0
347

Xigasho www.http://daafeet.com/?p=7040 Kulan lagu abuuraayo isbaheysi cusub oo  socon doona muddo seddex cisho ah  isla markaasna u dhaxeeya beelaha Jufada Ceyr ee beesha Habargidir iyo Beesha Garre  ayaa waxa uu maalintii shalay ka bilowday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

Kulankan oo socon doona mudo sedex cisho ah ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa sidii loo soo celin lahaa Isbahaysigii u dhexeeyay labada dhinac Jufada Ceyr ee beesha Habargidir iyo Beesha Gare iyo weliba sidii labada qaybood ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen wax ay labada dhinac ugu yeereen “Kooxda Koyto diidka” kuwaasi oo ay ula jeedaa dadka Asal ahaan kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose.

Kulankan oo abaabulkiisu lahaayeen Shaqsiyaad magac leh oo kasoo jeeda Jufada Ceyr ee beesha Habargidir ayaa waxaa hadana la shaaciyay inuu fidiyay gogosha kulanka Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siidii) si loo muujiyo in maamulka gobolka Shabeelaha hoose uu haatan diyaar u yahay in Jufada Ceyr ee beesha Habargidir ay dib ugu soo laabtaan gobolka isla markaana ay beel weynta Gare kusoo dhowaynayso .

Kulanka oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii beesha Gare u sii ahaan lahayd gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose taasi oo layla qaatay iyadoo Jufada Ceyr ee beesha Habargidirna ay balan ku qaaday inay awoodeeda isugu gayn doonto sidii maamulka gobolka Shabeelaha hoose ay u sii hayn lahaayeen beesha Gare waxaa sidoo kale labada dhinac ay qoraal ku kala qaateen qodobadan:

1- In qof walba oo loo soo magacaabo deegaanka oo aan ahayn beesha Gare lagu furo qalalaanse siyaasadeed iyo mid nabadgelyo.
2- In hadii ay dhacdo in beesha Gare aysan helin maamulka sare ee gobolka in ay maamulaan degmooyinka kala ah Afgooye,Awdheegle,Qoryooley iyo Wanlaweyn.
3- Waxaa kaloo laysla gartay in hadii aysan suura gal noqon in afartaas degmo ay Gudoomiye ka noqdaan shaqsiyaad kasoo jeeda beesha Gare ay Jufada Ceyr ee beesha Habargidir gacan ku siin doonto beesha in degmooyinka Afgooye,Awdheegle, Wanlaweyn iyo Qoryooley ay ka noqdaan gudoomiye ku xigeen si loo gaaro ujeedada Jufadu ay ka leedahay gobolka.

Kulankan oo loo balamay inuu soo gabagaboobo maalin-nimada beri ee Jimcaha ah ayaa waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go’aamo ladoonayo inay labada dhinacba ay si siman u wada fuliyaan.

Dhanka kale qaar ka mid ah shaqsiyaadkii kulanka ku matalayay magaca Jufada Ceyr ee beesha Habargidir ayaa kulanka waxay ka sheegeen inay aad u danaynayaan misna ay rabaan in ay nabad kula noolaadaan guud ahaa dadka deegaanka gobolka maadaama laga daaley dagaal iyo qori ayna la shaqeysan karaan qof walboo loo soo magacaabo deegaanka waxayna hoosta ka xariiqeen in ay haboon tahay in laga shaqeeyo nabadeyta dadka iyo deegaanka gobolka Shabeelaha hoose.

Si kastaba arintu ha aahaatee carqalada ka taagan gobolka Shabeelaha hoose ayaa ah mid u baahan in wax badan laga qabto taasoo ay ugu horeyso in qof walba uu fahmo ama uu garto in 22 sano qori wax lagu qaban waayey loona baahan in deegaan walba loo dhiibo dadkii lahaa kuwa aan deegaanka wax ku laheyna ay u hogaansamaan sharuucda deegaanka u taala.

Xigasho Daafeet.com