Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe Eng .Cabdi Jiinow Calasow.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu saxiixay degreetada xilka looga qaaday Cabdi Jiinow Calasow laguna magacaabay Gudoomiyaha Cusub , waxaana la filayaa in waqtiyada soo aadan si rasmi ah loo shaaciyo Degreetada xil ka qaadista iyo Magacaabista.
Sida aan xogta ku heleyno Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa loo magacaabay Ninka lagu
magacaabo Cali Guudlaawe , oo ah nin ka shaqeyn jiray NGO-yada Dalka ka jira, waxa uuna mudooyinkii dambe ahaa ninka u dhaxeeya NGO-yada iyo Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe.
Masuulkan Cusub ee loo magaacaby Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhaxe ayaa ah nin ay isku beel kasoo wada jeedaan Cabdi Jiinow Calasow , waxaana la sheegay in labada nin ay yihiin saaxiibo aad isugu dhaw.
Cabdi Jiinow Calasow Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa in dhawaalaba la hadal hayay in xilka laga qaado maadaama uusan la imaan wax qabad muuqda , waxaana hada la filayaa in Maamulka Sh/Dhaxe gabi ahaan la kala diro lana geeyo Maamul Cusub.
Idale News Online