Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Oo KGS Ugu Baaqay Dib U Xureynta Degmadaas

0
242

Xudur(INO)- Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Ee Gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Xasan Oo Hada Ku Sugan Degmada Xudur Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Degmada Tiyeeglow Oo Wali Gacanta Ugu Jirto Maleeshiyada Al Shabaab Ka dib Markii Degmadaasi Bilooyin Ka hor Ay Soo Faarujireen Ciidamada Itoobiya, Ciidamada DFS Iyo Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maxamed Cabdulle,Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Ayaa Waxa Uu Sheegey In Shacabkii Ku Harey Degmada Tiyeeglow Ay Ku Nool Yihiin Dhibaatooyin Kala Duwan Abaarta Ka jirta Degmooyinka KGS iyo Dhibaatooyin Kale Oo Ay Ku Hayaan Maleeshiyada Al Shabaab.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Degmada Xudur Ay Ku Sugan yihiin Ku Dhawaad 300 Oo Qoys Ah Kuwaas oo Ay Ka soo Barkaceen Degmada Tiyeeglow Maanta U Baahan In Ay Dib Loogu Celiyo Deganadooda .

Gudoomiye Maxamed Cabdulle Foodcade Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Ay Wadaan Dadaalo Ku Aadan Sidii Ururka Al Shabaab Dib Looga Saari Lahaa Degmada Tiyeeglow Iyo Deganadeeda Ciidamaduna Ay Yihiin Kuwo U diyaarsan Dib U Xureynta Degmada Tiyeeglow.

Ugu Dambeyntii Maxamed Cabdulle Cood Cade Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow Ayaa Waxaa Uu Dowlada Faderaalka Soomaaliya Iyo Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Ka dalbadey In Maamulka Degmada Tiyeeglow Iyo Ciidamada Kala Duwan Ay Kula Dadalaan Dib U Xureynta Degmada Tiyeeglow Iyo  Ka saarida Maleeshiyada Islaamiga ah Ee Al Shabaab.

Wariye Siidi Cali Muuse, Idale News Online – Xudur