Mareerey:Guddoomiyaha deegaanka Mareerey oo ka tirsan degmada Afgoye isla markaana baxsad ka ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhowaan gaaray deegaankaasi.
Siid Mayow Baalle Mareerey, guddoomiyaha deegaanka Mareerey waxa uu sheegay in dadkii deegaanka iyo iyagaba ay dhacayaan ciidamada dowladda u soo dirtay dhowaan gobalka Shabeellaha Hoose si ay u qaadaan isbaarooyinka, waa sida hadalka u dhege e.
Waxa uu tilmaamay in ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha Mareerey oo ay laamiga cag dhigi karin, arrintaasoo uu ku sheegay in mid xun inay tahay.
“Ciidamadan dowladda ayaan ka cabanaynaa dadkii ayay dhacayaan, cid ay dhaafayaan malahan, waxan dowladda naga qabato” sidaasi waxaa yiri isagoo baqanaya guddoomiyaha deegaanka Mareerey Siid Mayow Baalle.
Maanta waxaa lagu soo warramayaa in xaaladda deegaannadii shalay lagu dagaalamay ay tahay mid deggan isla markaana ay soo laabteen adegyadii bulshada ee deegaanada kala ah Mareerey, Jannaale iyo Wanla-weyn.
Idale News Online, Afgooye.