Gudoomiyaha Buurhakaba”Weerar Xoogan ayaan ku qaadnay Xarakada Al Shabaab”

0
356

Buuhakaba (INO)—Guddoomiyaha Buurhakaba ee Gobolka Bay, Maxamed Cabdi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Idalenews.com ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda KGS ay Weerar ku qaadeen Saldhig ay Al Shabaab ku leeyihiin nawaaxiga Deegaanka Buur Eyle.

Isagoo sii hadlaya Guddoomiye Maxamed Cabdi Maxamed waxuu tilmaamay on ay burburiyeen Saldhigaasi, islamarkaana ay la wareegeen Ciidamada Dowladda, sida hadalka u yiri.

Geesta kale, Guddoomiyaha Buurhakaba ee Gobolka Bay oo ka warbixiyay amniga ee Degmadaasi ayaa sheegay in la isku haleen karo xaalada amaan, isagoona xusay in Degaanada ku dhow dhow Degmada Buurkaba ay ka saareen Xarakada Al Shabaab.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan in laga burburiyay Saldhig ay ku leeyiin balse waxaa dhawaan halkaasi ku Dagaalamay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab.

Muddooyinkii dambe waxaa dhaq dhaqaaq Ciidan uu ka socday Degmada Buurhakaba iyo Degaanada ku dhow dhow oo Maamulka Degmadaasi uu ku sheegay in ay ku xaqiijinayaan amaanka.

Idale News Online, Buurhakaba