Axad, November 17,2013 (Idale News Online “INO”): Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka soo ambaxabay magaalada Muqdisho isagoo u sii jeeda dalka Kuwait halkaas oo uu kaga qeybgali doono shirka Madaxweynayaasha wadamada Afrikaanka iyo Carabta oo beri furmi doona. Gudoomiyaha iyo wafdigiisa oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa uga sii gudbi doona dalka Kuwait isla caawa.
Shirka oo ay aheyd inuu ka qeybgalo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaan dhicin taasoo inta badan loo badinaayo in khilaafka Madaxweynaha kala dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha uu uga baaqsadey in uu shirkaas ka qeybgalo.
Shir madaxeedkaan wadamada Carabta iyo Afrika waxaa ka qeybgelaya ilaa 64 dal, waxaana isagoo matalaya madaxweyne Xasan Sheekh shirkaan imaan doona gudoomiyaha baalamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari” ayay tiri Fowsiyo oo la hadashay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Wasirka arrimaha dibedda Fowsiyo Yusuf Xaji Aadan ayaa gaartay Magaalada Kuwait ee dalka Kuwait oo ay uga qeybgelayso shirka wasiirada arrimaha dibada ee madaxda wadamada Carabta iyo Afrika.
Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamadaasi ayaa kulan hor dhac ah halkaasi ku yeelandoona 17-ka ilaa 18-bishan iyadoo ay ka qeybgeleso wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Isla wararkaan, wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleyman ayaa sheegay ayaa magaalada Kuwait 12-kii bishaan uga qeybgalay shir ay halkaas ku yeesheen wasiirada maaliyadda dalalka Carabta iyo Africa.