Gudoomiyaha Barlamaanka Jawaari oo is hortaagey Nin la dhashey Shariif Xasan in lagu soo daro golaha Wasiirada

0
198

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si caro leh uga jawaabey isla markaasna is hortaagey heshiis hoose ay wada galeen Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo  Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee 3da gobol Shariif Xasan Sheekh Aadan kazoo ay labadaasi masuul ku doonayeen in xil wasiir loogu magacaabo nin la dhashey Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu magacaabo Madeer oo haatan ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka balse la filaayo in Muqdisho soo gaaro dhowaan

Shariif Xasan oo si deg deg ah ugu soo laabtey magaalada Muqdisho ka dib markuu uu magacaabey gole wasiiro uu yeelanaayo maamulkiisa oo ka koona 24 wasiir isla markaasna fuliyey heshiiskii dhankiisa  la gaarey madaxweyne Xasan Sheikh, kaasoo dhigaayey in beelaha Hawiye saami weyn ku yeeshaan golaha wasiirada ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed Somalia halka dhankiisa loo balanqaadey in la siin doono labo xubnood oo golaha wasiirada xukuumada cusub uu dhowaan dhisi doono R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Heshiiskaan hoose oo ay wada gaareen Madaxweye Xasan Sheikh iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa waxuu caro ka muujiyey gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Jawaari, waxuuna ku hanjabey in haddii Madeer oo ay walaalo yihiin Shariif Xasan lagu soo daro xukuumada Cumar C/rashiid codka kalsoonida waayi doonto.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa raadinaayo xulufo gaaraysa 139 si uu u meel mariyo xubnaha xukuumada Cusub ee la soo magacaabaayo taasoo la sheegaayo in ay u badan yihiin xildhibaano iyo wasiiro saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Somalia Xsan Sheikh.

C/qaadir Shariif Xasan oo ah wiil uu Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa dhowaan buuxiyey booskii xildhibaanimo ee uu aabihii baneeyey, tani waxay noqoneysaa arrin hor leh oo dadka Soomaaliyeed ka yaabisa iyo waaqici siyaasadeed ee dalka haatan ka jira.

jawaari& XASAN

Idale News Online, Mogadishu,