Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo khudbad ka jeediyay Jaamacada Napoli (Daawo Sawirada).

0
208

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Talyaaniga ayaa maanta booqday Jaamacadda Napoli oo ku taala magaalada Napoli halkaasi oo qeyb ka mid ah Afka Soomaaliga wax looga barto ilaa heerka ugu sareeya waxbarasho jaamacadeed.

image

Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga la socda waxa ay ugu horeyn booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismaha Jaamacadda ayagoo si gaar ah u booqday halka ay ku keydsanyihiin buugaagta quseeya barashada taariikhaha Islaamka,qaaradda Afrika iyo buugaag si gaar ah uga hadleysay Afkeenna Hooyo iyo aas aaska barashadiisa kuwaasi oo Af-Soomaali ku qoran.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa hool ku yaala gudaha Jaamacadda khudbad luqada Afka Talyaaniga ah ugu jeediyey Boqolaal arday ah oo wadammo kala duwan u dhashay waxaana uu khudbaddiisa uga hadlay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga,sidoo kalena waxa uu maamulka Jaamacadda Napoli ku booriyey iney sii wadaan Afka Soomaaliga oo wax lagu barto.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay oo iyana khudbaddo luqada Talyaaniga ah ka jeediyey islamarkaana ka jawaabay qeyb ka mid ah su’aallihii ay ardaydu weeydiiyeen Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa xildhibaannada kala ah Prof C/risaaq Jurile,Prof C/laahi Sheekh Ismaaciil,Dr Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.

Maalinnimada berrito ah gelinka dambe Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxa ay la kulmi doonaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Talyaaniga.

image

 News Online, Nopili, Italy.