GUDIYO KMG AH OO LOOGU DHAWAAQEY SHIRKII DHISMAHA DOWLADA KG SOOMAALIYA.

0
172

shirweynaha dhismaha dowlad goboleedka KG ee Soomaaliya gudi ku meelgaarka Oadayaasha Dhaqanka Koonfur galbeed Somaliya.

Kulan maanta ay yee sheen Odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka ayaa waxaa kulankaasi laga soo saaray labo Gudi oo kala ah Gudiga xalinta
qilaafaadka iyo gudiga kumeel gaarka Odayaasha Dhaqanka koonfurgalbeed.

Doorka Gudiga Ku meelgaarka Odayaasha Dhaqanka Ayaa ah.

1-Gudigu waxxa lo igmaday inuu xaqiijiyo habsami usocodsiinta iyo isku dabaridka shirweynaha dhinmaha dowlad goboleedka koonfurgalbeed soomaaliya, oo haatan marahayo meel wajigiis 2aad.

2-Gudigu wuxuu matalayaa dhamaan beelaha Dega dhul weynaha lixda gobol ee KG soomaaliya ,isla markaana waa hogaanka kumeelgaarka odayaasha dhaqanka ay soo xusheen.

3-Gudigu wuxuu xaqiijinayaa dhisme Gole guurti oo rasmi ah oo Dastuuri ah.

4-Gudigu wuxuu soo jeedinayaa gudiyo loo igmanaayo in ay fududeeyaan habsami u socoshada shirweynaha ayadoo laga ansixinaayo golaha guud ee odayaasha dhaqanka ee KG Soomaaliya sida(gudiga isteerinka,gudiga tasruurka iyo gudiga farsamada IWM)

5-Gudiga wuxuu lasoconayaa shaqada maalin laha ahi ee shirweynaha,wuxuuna kor meerayaa shaqada gudiyada hawshawada sida (gudiga siyaasada, Farsamada, iyo Dastuurka).

6-Gudiga wuxuu joogteynayaa shirarka wada tashiga islamarkaana gudoomiyaha gudiga waa shir gudoonka guud ee golaha odayaasha dhaqanka KG soomaaliya.

7-Gudigu wuxuu tilmaamo ka bixinayaa sameynta gudi hoosadyo sida (gudiga xalinta Khilaafaadka,iyo gudiyo kale sida gudiga qoraaladaxoghayiyaal IWM).

8-Gudigan shaqadiisa waxay ku eg tahay inta laga dooraanayo Golaha guurtida dastuuri ah ee Koonfur galbeed.

thumb
Idale News Online, Baydhabo
isha