Gudiga Hogaaminta Shirka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya oo Ka Digay Faragelinta Dowlada Soomaaliya.

0
201

Baydhaba: Guddiga Hogaaminta Shirka Dowlad Gobleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Shir jaraa’id oo ay shaley galinkii dambe  ku qabteen magaalada Baydhabo ugu baaqay dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud inay joojiso faragelinta kala gadisan ee ay ku hayso Shirka.

Guddiga oo shirkaan Jaraa’id uga hadlay marxaladaha dalku maraayo ayaa ugu Digay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladiisa hadii ay si deg deg ah ujoojinwaayaan Faragelinta iyo iska horkeenka ay ka dhexwadaan Siyaasiyiinta Koonfur galbeed cawaaqibka ka dhasha inay qaadan-doonaan.

Waxayna Dowlada ku eedeeyeen inay nabad-gelyo daro ka wado wadanka, isla markaana awoodihii dastuuriga ahaa lagu tumanayo shacabkana la waxyeelaynay.

Ugu damneyntii waxa halkaasi laga akhriyey war saxafadeed ku qoranaa luuqada engiisiga oo kuwajahanaa dowlada soomaaliya iyo beesha caalamka.

Shirka BAYDHABA

Idale News Online, Baydhaba.